KHAYRKA AYNU ISU KAASHANO IYO SAMAANFALIDA
Markahore Mahad oo dhan waxay u sugnaatay Allaah, Naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaato Rasuulkii Alle Muxammad S.C.W. Intaas kadib:
Alle kor ahaaye wuxuu yiri:
" Khayraadka ku tartama" Suuradda al-Baqara: Aayadda 148.
Wuxuu kaloo yiri Alle weyne kor ahaaye:
" U tartama dambi dhaafka Rabbiggiin iyo Janno balleceedu le'egyahay cirarka iyo dhulka oo loo diyaariyey kuwa iska dhowra xumaha." Suuradda aali-Cimraan: Aayadda 133.
Abuu Hurayrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: Ku dadaala Camalka san, waqtina ha luminina aad ku sameyn kartaan camal suubban waxa imaan doona dhowaan fidmooyin iyo fasaad sida habeen madow ah oo qofka waagu u beryayo isagoo Mu'min ah, isagoo gaal ahna gabbalku u dhacayo, ama isagoo mu'min ah gabbalku u dhacayo, isagoo gaal ahna waagu u beryayo. Wuxuu diyaar qofkii u noqon inuu diintiisa siisto xoogaa wax adduun ah'. (Muslim).
Alle kor ahaaye wuxuu yiri:
" Kuwa daraadayo u dadaaley waxaan hubaashii ku hanuuninaynaa jidadkayaga, Allena wuxuu la jiraa samaanfalayaasha". Suuradda al-Cankabuut: Aayadda 69.
Wuxuu kaloo yiri Alle weyne kor ahaaye:
Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye:
" Wixii aad Naftiinna u hormarisaanoo khayr ah, Alle agti baad ka helaysaan isagoo sii weyn oo sii khayr badan". Suuradda al-Muzammil: Aayadda 20.
No comments:
Post a Comment